Deeq A. Posted February 11, 2019 Wasaaradda Waxbarashadda Oo La Ildaran Maamul Xumo Iyo Xasuusta Wasiirka Xumaatay!!! Dr Abdirizaq Osman Mohamud Wasaaradda Waxbarashada Oo ah Wasaaraddaha ugu mihiimsan uguna baaxada wayn leh wasaaradaha dalka, isla markaana ay ka hawlgalaan in ka badan 7,500 shaqaale ahi, maamusho-na in ka badan 1,400 Dugsi iyo 32 Jaamacadood ayaa la ildaran Hogaan xumo ka dib markuu dhawaan Madaxwayne Biixi usoo magacaabay Wasiir Cismaan Aadan oo isagu xanuunka ilawshuhu si xun u haleelay, isla markaana ah da wayn oo ay ku adag tahay inuu Xafiiskiisa oo dabaqa sare ee wasaaradda ku yaala inuu karro. sidoo kale Bulshadda Somaliland ayaa Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa ka sugaysa in wax laga qabto Tayo xumada baahsan ee Waxbarashadda dalku wehelka u tahay iyo waliba in isbedel (reform) lagu sameeyo qaab dhismeedka iyo hab-maamulka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, balse Taa Cagiskeed uu Madaxwayne Biixi ugu abaalguday bahdii Waxbarashadda inuu u soo magacaabo Wasaaradii masuul d’a ah oo aan Tahli karin inuu u babac dhigo baaxada shaqada ee wasaaradaas taala. Dr Abdirizaq Osman Mohamud Hargeisa/Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites