Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO: “Saldhiggaa Millatari Lama Kirayn…” Xuseen Dayr Oo U Markhaati Furay Wasiir Sacad, Hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi Si Cad U Beeniyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xuseen Aadan Cige Dayr af-hayeenkii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa sheegay in aan wax kari ah lagu heshiin dawladda Imaaraadka Carabta ee saldhigga millatari ka samaysanaysa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.


Hadalkan ayaa waxa uu marag u noqonayaa dhawaaq la yaab ku noqday shacabka reer Somaliland oo dhawaan ka soo yeedhay wasiir wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ku sheegay in aan wax kari ah lagu heshiin dawladda Imaaradka Carabta ee saldhigga Millatari ka samaysanaysa magaalada Berbera, balse taa bedelkeeda lagu heshiiyay mashaariic kale, in kasta ay mashaariicadan uu wasiirku sheegay ay ku jireen markii la waday heshiiska ay dawladda Imaaraadku kula ay kula wareegaysay dekedda Berbera.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waraysi la yeeshay ayaa waxa uu si cad ugu sheegay in Somaliland ay ka kiraysay saldhig millatari ee Imaaraadku ka dhisanayo Magaalada Berbera oo ay lacag kiro ah ka qaadi doonto.
Shacabka reer Somaliland ayaa waxa ay jahwareer ka qaadeen hadaladan kala fog ee ka soo yeedhaya madaxdan ku wada abtirsada xisbiga KULMIYE.


Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this