Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta ay Al-Shabaab usoo bandhigayaan muuqaalka dadka ay dilaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaal laga dhex arkayo dad badan oo ay tooganayaan kuwaas oo u shaqeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab sidaan sameyso, waxayna noqoneysaa markii labaad oo ay soo bandhigeyso muuqaalada noocaan oo kale ah.

Haddaba su’aasha qof kasta is waydiinayo ayaa ah sababta ay Al-Shabaab u bilaabeyn inay muuqaal ka duubaan falalka dilalka ah oo ay geystaan.

Cabdiqani Axmed Cali oo ah macalin dhanka Siyaasadda iyo Amniga ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay inay Al-Shabaab arrintaas ula jeedaan cabsi gelinta dadka u shaqeeyo dowladda.

“ Falkaan sababta ay Al-Shabaab u sameenayaan waa inay cabsi geliyaan dadka u shaqeeyo dowladda iyo Hey’adaha kale oo ay diidan yihiin” ayuu yiri Cadiqani.

“ Qofka markii uu arko sida arxan darada ah ee loo dilayo dadweynaha, waxay noqoneysaa laba inuu isaga baxo dowladda iyo inuu dalka isaga tago waana midda ay Al-Shababaab mar kasta dooneyso” ayuu sii raaciyey.

“ Waa wax laga xumaado in xaasaskii, hooyooyinkii iyo ilmihii ay ka tageyn dadka ay Al-Shabaab dileen ay si toos ah u arkaan sida loo dilay qofkii ay ehelka ahaayeen, waxayna taasi keeneysaa niyad jab ku imaado shacabka Soomaaliyeed”.

Ururuka Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaal naxdin leh oo ku saabsan dilalka iyo qaraxyada ay geysteen bilooyinkii lasoo dhaafay.

Muuqaalkaas ayaa ahaa mid naxdin iyo cabsi ku abuuray bulshada Soomaaliyeed mana jirto tallaabo cad oo ay illaa hadda Dowladda ka qaadeyso kooxdaan usoo jeysatay baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this