Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo ganacsade ku dhaawacay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Dharkenley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dhaawac maanta nin ganacsade ah loogu geystay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ganacsadaha la dhaawacay oo maqaayadle ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Abshir Muxudiin, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Kooxo ku hubeysnaa bastoolada ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen falkaasi, iyagoona goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa xaafada Kaawo Godey ka dhacayay falal amni daro, iyadoona dhaawan lagu dilkay wiil Timo Jare ahaa oo si weyn looga xaafaddaasi.

The post Kooxo hubeysan oo ganacsade ku dhaawacay Dharkenley appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this