Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo sheegtay in ay korortay tirada caruurta la askareeyo dalal ay ku jirto Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay sii kordheyso caruurta loo adeegsado askareynta meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Sarkaal ka tirsan QM  ayaa xusay in laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii illaa iyo hadda ay gaartay askareynta caruurta 159 boqolkiiba.

Waxaana warbixinta lagu sheegay in illaa 30,000 oo caruur dheeraad ah lagu askareeyay qaar ka mid ah dalalka ay colaadaha ka jiraan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ee lagu askareeyo caruurta ay ka mid yihiin dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo kuwa qaaradda Afrika oo ka mid yihiin Soomaaliya,Sudanta Koofureed,Dr Congo, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo dalal kale.

Sanduuqa badbaadada caruurta QM ee Unicef ayaa ka digtay halista ay wajahayaan caruur badan oo ku nool dalalka ay colaadaha la dageen

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ay sare u kacday kufsiga loo gaysto gabdhaha yar yar, gaar ahaan dalalka Soomaaliya iyo Myanmar.

The post QM oo sheegtay in ay korortay tirada caruurta la askareeyo dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this