Deeq A. Posted February 11, 2019 Boosaaso (SMN) – Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in deegaanada maamulkaasi laga mamnuucay in laga tahriibo, xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhammaan ciidanka Booliska & saraakiisha ayuu faray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyaadka wax tahriibiya & gaadiidka ay saaran yihiin tahriibayaash. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in la xiri doono askarta joogta koontaroolkii la ogaado in uu ka soo gudbay gaadiid sida dad tahriibayaal ah. Magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa ah marin ay tahriibayaashu uga sii gudbaan dalka Yemen. The post Puntland Oo Boosaaso ka mamnuucday in laga Tahriibo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites