Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Qaar kamid shacabka oo ka ra’yi dhiibtay xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ra’yigooda ka dhiibtay, xukuumadda cusub ee shalay uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Dadka ayaa ku kala argtiyo duwan golaha wasiirada iyo habka awood-qeybsiga ee loo magacaabay, iyadoo qof walba uu si u arko; mid mucaaradsan iyo mid taageersanba, maadaama aysan bulshadu hal dhinac wax ka wada-eegin.

Shacabka qaar kamid ah oo taageersan xukuumadda cusub ayaa soo dhoweeyay, halka qaar kale oo dhaliinsan habka loo magacaabay ay si ka duwan uga hadleen.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Qaar kamid shacabka oo ka ra’yi dhiibtay xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this