Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Koonfur Afrika Oo Ka Wada-Hadlay Dilalka Soomaalida Loo Geysto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu

1-31.jpg

Kulanka ayaa waxa ay kaga wada-hadleen xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iyo iskaashi dhinac walba leh ee labada dal ay wada yeeshaan.

Warar ay warbaahintu heshay ayaa waxa ayaa sheegayan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu ay ka wada hadleen dhibaatooyinka dilalka iyo boobka ah ee lagu haayo Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan,kuwaas oo Ganacsi ahaan u jooga, hayeeshee inta badan waxaa loo geystaa falal isugu jira dil dhaawac iyo in la boobo hantidooda,iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this