Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal qorsheysan Oo ka dhacay deegaanka Janaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Janaale (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda oo garab ka helay kuwa Mareykan ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa barbar socday duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay deegaankaasi.

Ciidamada oo watay diyaarado ayaa la sheegay in ay ku ku daateen duleedka deegaanka Janaale oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaal foolka fool ah labad dhinac uu ku dhexmaray halkaasi, walow aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Al Shabaab oo ka hadlay howlgalkan ayaa sheegay in ay fashiyeen, islamarkaana ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in duqeyna lagu burburiyay Guryo ay daganaayeen dad rayid ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhnaka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha  Hoose ee K/ Soomaaliya.

The post Howlgal qorsheysan Oo ka dhacay deegaanka Janaale appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this