Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaabulkii Axmed Madobe uu ka waday Jubbaland maxaa iska beddelay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa bishii lasoo dhaafay sameeyay abaabulkii ugu badnaa ee ciidamada amaanka ee Jubbaland, wuxuuna kormeeray xarumo ciidan oo badan.

Tan iyo markii uu sameeyay abaabulkii ugu badnaa iyo diyaar gareynta ciidamada Jubbaland ma jirto wax weerar ah oo ciidamada amaanka ay u geysteen xarumaha Al Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Jubbooyinka.

Taa badalkeeda Al Shabaab ayaa labo jeer weeraray deegaanka Baar Sanguuni, halkaasi oo fariisin u ah ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland, waxaana la isweydiinayaa halkuu ku dambeeyay abaabulkii Axmed Madoobe.

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegaya in wali aysan helin amarka ay ku qaadayaan weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, islamarkaana la sugayo amarka madaxweynaha.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya inay dhanka ciidamada AMISOM ay caqabad ka taagan tahay, maadaama iyagana ay doonayaan inay amarka howlgalka ka helaan madaxda ay ka amar qaataan, taasina waxay rajo beel ku noqotay qorshihii Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa marar badan sheegay in dhanka dowladda Soomaaliya aysan wali ka helin kaalintii ay doonayeen, waxaana taasi uu sheegay inay caqabad ku tahay howlgalada ay la galayaan Al Shabaab.

Waxaa hadda yaraaday heegankii ay ku jireen ciidamada amaanka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadii la geeyay Afmadow iyo goobo kale ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this