Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika Oo Maanta La Soo Geba-Gabeynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Kulan madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu soo gebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

MADAXDA-AFRIKA.jpg

Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe.

Madaxda Dowladaha Afrika waxay kulankii shalay kaga wada hadleen Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka Afrika.

Madaxweynaha Masar o oka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay in Argagixisadda yihiin Kansar. Isla markaana ay doonayaan inay waxyeeleeyaan Afrika iyo inay wax kasta burburiyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalke Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku baaqay inaan Kooxaha loogu yeero Argagixisdda marnaba loo oggolaanin inay deganaansho la’aan ka abuuraan dal kasta oo ka tirsan Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Shirweynaha 32-aad ee Madaxda Afrika waxay kaga hadleen sidii loo aamusin lahaa dhamaan qoryaha yaalla Qaaradda Afrika marka la gaadho sannadka 2020-ka.

Hoggaamiyayaasha waxay kaloo ka hadleen Doorashadda Dimuqraadiga iyo Xil-kala wareegista nabdoon ee Qaaradda Afrika, waxayna amaaneen dalal ay ka mid yihiin Somalia, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Koongada Dimuqraadiga, Liibiya, iyo Afrikada Dhexe, kuwaasi oo la tilmaamay inay xusheenai nay wada-xaajood iyo nabad ku xaliyaan khilaafyada ka jira dalalkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this