Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka: Jamhuuriga Iyo Dimuqraadiga Oo Mar Kale Is Maan Dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Wadahadalladii xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga Aqalka Congress-ka Maraykanka ee loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay hawlaha dawladdu hakadaan ayaa is fahanwaa ku soo dhammaaday.

105595985_052123623-1.jpg

Ergooyinkan ayaa rajaynayay in ay is fahmaan Isniinta si ay Aqalka Congress-ka u siiyaan wakhti uu ku ansixiyo Jimcaha, maalintaas ayuuna ku egyahay heshiiskii bishii hore la gaaray ee lagu ansixiyay kharashaadka dawladda.

Isfahan waagan waxaa xudun u ah meesha uu madaxweyne Donald Trump ka taagan yahay dhaqaalaha ku baxaya darbiga uu rabo in laga dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico.

Hawlaha Dawladda Maraykanka ayaa horay u xirmay 35 maalmood, arrintaas oo noqotay middii ugu wakhti dheerayd taariikhda dalka Maraykanka.

Ismariwaagan u dambeeyay waxaa keenay markii xisbiga Dimuqradigu uu dalbaday in waaxda socdaalka iyo dhaqangalinta arrimaha canshuuraha ee loo soo gaabiyo ICE ay diiradda saarto xirxiridda dadka soo galootiga ah ee dambiyada galay badalkii ay xirxiri lahaayeen dadka dal ku galku uu ka dhacay, arrintaas oo ay sheegeen in ay xadidayso sariiraha goobaha dadka lagu hayo, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this