Deeq A. Posted February 11, 2019 Bosaaso (SMN) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo ciidamo tababar ugu soo xiray magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa kula dardaarmay in ay la yimaadan hab dhaqan lagu wajihi karo nabadgalyada magaaladaasi. Askartan ayaa looga digay in ay isticmaalaan Maan-Dooriyaha, haddii ay amarkaasi jabiyaana taliyuhu waxa uu sheegay in ay marin doonan ciqaaba adag. Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa looga digay in aysan gashan dharka shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlaha shaqo. Awaamiirtan ayaa imaaneysa, xilli dhawaan uu madaxweyne Deni Boosaaso u diray taliyaha Booliska maamulka Puntland iyo ciidamo uu horkacayo, si ay wax uga qabtaan caqabadaha dhinaca amni ee ka jira magaladaasi. The post Puntland Oo u digtay ciidanka amniga Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites