Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo u digtay ciidanka amniga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaaso (SMN) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo ciidamo tababar ugu soo xiray magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa kula dardaarmay in ay la yimaadan hab dhaqan lagu wajihi karo nabadgalyada magaaladaasi.

Askartan ayaa looga digay in ay isticmaalaan Maan-Dooriyaha, haddii ay amarkaasi jabiyaana taliyuhu waxa uu sheegay in ay marin doonan ciqaaba adag.

Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa looga digay in aysan gashan dharka shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlaha shaqo.

Awaamiirtan ayaa imaaneysa, xilli dhawaan uu madaxweyne Deni Boosaaso u diray taliyaha Booliska maamulka Puntland iyo ciidamo uu horkacayo, si ay wax uga qabtaan caqabadaha dhinaca amni ee ka jira magaladaasi.

The post Puntland Oo u digtay ciidanka amniga Boosaaso appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this