Deeq A. Posted February 11, 2019 Addis Ababa (SMN) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedkii 32-aad ee Midowga Africa ayaa u mahad celiyay dalalka taageera howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa ay ka wadaan dalal ay ku jirto Soomaaliya oo dhaca qaaradda Africa. Shir uga furmay magaalada Addis Ababa dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa ayuu xoghayaha guud ee QM ka sheegay in ay muhiim tahay xoojinta taageerada milatari ee howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya,si looga adkaado Al Shabaab. Mr Antonio Guteres ayaa sidoo kale sheegay in QM ay diyaar u tahay in howgalka Midowga Africa ee AMISOM ay ka caawiso,sidii loo yareyn lahaa qatarta argagixisada ee geeska Africa,gaar ahaan Soomaaliya. Ugu danbeyn waxa uu u sheegay madaxdii shirka ka soo qeyb gashay, haddii si dhab ah loo garab istaago howlgallada Midowga Africa ay horseedi doonto guul dalal fara badan oo qaaradda Africa ah ay ka gaaraan dhinaca amamanka iyo horumarka dhaqaalaha. The post QM Oo dalbatay in la xoojiyo taageerada AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites