Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad hubeysan Oo weerar ka fuliyay Galdogob

Recommended Posts

Deeq A.   

Galdodob (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay kooxo maleeshiyaad ah ka fuliyeen degmada Galdodob ee gobolka Mudug.

Maleeshiyaadkan ayaa weerar gaadma ah ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dintay hal Qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah.

Lama oga illaa iyo hadda heybta dableyda fulisay weerarkan, iyagoona si aayar ah uga baxsaday halkaasi.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolka Mudug.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga Puntland oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.

The post Maleeshiyaad hubeysan Oo weerar ka fuliyay Galdogob appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this