Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso Roobow: DF waa ay ku fashilantay amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Khabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga, Labadii sano ee lasoo dhaafay.

Korneel Shariif Xuseen Roobow (Korneel Roobow), xoghayaha guud ee xisbiga Cadaaladda iyo Badbaadada oo u warammay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, wuxuu sheegay in hadana aan dowladdan laga sugeyn in ammaanka ay wax ka bedasho.

Hadalkiisa ayaa kusoo aaday sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, 8-dii Febraayo 2017.

Mudadii ay jirtay dowladdan ayuu sheegay in ay ku mashquushay waxyaabo aan dan ugu jirin shacabka, sidaasi darteedna ay dayacday ammaanka.

Sababta aan hadda looga sugeyn iney amniga wax ka qabato ayuu sheegay iney geli doonto olole doorasho, islamarkaana Labadii sano ee ay wax qaban lahayd soo dhaaftay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-KORNEEL-ROOBOW.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this