Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul goboleed shidaal badan isku tuhmaaya oo wasaarad cusub soo dhisay kadib shirkii London (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wax ka badalid ku sameeyay wasaaradii Biyaha iyo macdanta Maamulka Hirshabeelle, isaga oo soo kordhiyay wasaarad cusub.

Madaxweyne Waare ayaa wasaaradda Biyaha iyo Korontada u badalay wasaaraddii biyaha iyo macdanta, waxaana uu soo kordhiyay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta maamulka Hirshabeelle.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdinta ee Hirshabeelle horey uma aysan jirin, waxaana arinta ay timid kadib Shirkii Shidaalka Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay magaalada London.

Xogaha aan heleyno ayaa Sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu aaminsan yahay in shidaalka Soomaaliya uu in badan oo ka mid ah uu ku jira deegaano hoos-taga maamulkiisa HirShabelle./

Taasi ayaana dhalisay inuu durba sameeyo wasaaradda Batroolka iyo macdinta Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa aamisan in dhulka deexda ah ee Shabeellaha Dhexe kuna teedsan dhanka xeebta inuu ku jiro Shidaal badan oo qani ka dhigaya Hirshabeelle, waana sababta loo aasaasay wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee Hirshabeelle.

Ujeedada kale ayaa ah in wasaaradda ay qeyb ka noqon doonto shirarka Batroolka Soomaaliya looga hadlayo, iyada oo matali doonta Hirshabeelle.

Waa maamulkii ugu horeeyay oo durba sameeyay wasaaradda Batroolka, waxaana shirkii London cilmi baaristii lagu soo bandhigay ka muuqanayay in deegaanada Hirshabeelle laga helay Shidaalka ugu badan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this