Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Saciid Deni ma beelaha buu qancinayay mase qorshe kale ayaa jira?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada maamulka Puntland kadib muddo bil iyo seddex maalin ah doorashadiisii.

Liiska golaha wasiirada ayaa waxaa kasoo muuqday labo labo ruux oo uu u magacaabay hal wasaarad, waana markii ugu horeysay oo maamulada dalka lagu arkayo labo ruux oo hal wasaarad wasiir ku xigeeno ka ah.

Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in arintaasi ay u muuqan karto in lagu qanciyay beelaha kala duwan ee dega deegaanada maamulka Puntland, maadaama wasaaradda qaar lagu xisaabtamo.

Sidoo kale dadka siyaasadda Puntland la socdo ayaa sheegay in maadaama wasaarado labo ahaa oo la isku geeyay ay sabab u noqotay in labo ruux loo magacaabo si loo qanciyo labo beelood.

Caqabad adag ayaa halkaasi ka imaan karta, waxaa la isku qaban doonaa cidda noqon doonta wasiir ku xigeenka koowaad, haddii la is qabtana waxaa imaan karta caqabad kale oo ka imaanaya shaqsiyaadka halka wasaarad loo magacaabay.

Halkaan ka akhriso xubnaha laba ruux ah ee wasaaradaha loo magacaabay:
Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil.
Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise.
Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this