Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaabka oo billaabay in ay beelo u adeegsadaan Macawiisleyda (2 beel oo Abgaal oo ay isku dirayso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa bilaabay inay qaab qabaa’ileed u abaabulaan dadka ku dhaqan deegaanada Shabeellaha Dhexe, iyaga oo doonaya inay ku jibiyaan awoodda ciidamada abaabulan ee Macaawiisleey.

Banaanbaxyo abaabulan ayaa ka dhacay deegaanka Xaaji Cali, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana beelaha dega deegaankaasi ay sheegeen inaysan taageersaneyn kooxda Macaawiisleey oo dagaal kula jirta Al-Shabaab.

Xubnaha ka qeyb galay banaanbaxa ayaa sheegay inaysan taageersaneyn Maleeshiyaadka Macaawiisleey.

Shabaabka ayaa u muuqda inay soo kiciyeen beesha Cabdalla Caroone oo ka tirsan Harti Abgaal, si ay ugu jebiyaan beesha East Sanaag Clan ee Harti-Abgaal, oo Macawiisleyda ku badan.

Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay banaanbaxa ayaa sidoo kale sheegay inay iyaga ka saari doonaan maleeshiyaadka Macaawiisleey deegaanada Xaruur, Xaaji Cali deegaanka Ceel Xarar, degaanka Bursha Shiikh iyo deegaano kale.

Al-Shabaab ayaa marar badan dagaal kala kulmay Macaawiisleey, balse hadda waxaa muuqata inay doonayaan inay qaab qabiil ahaa u wajahaan kooxda Macaawiisleey si ay kaga horkeenaan dadka deegaanka.

Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday inay taageerayaan kooxda Macaawiisleey oo maalmihii ugu dambeeyay dagaalo la galayay Al Shabaab.

51486668_1121430668062356_63956557291218 51495614_1121430898062333_55060219216925 51730770_1121430718062351_50187489570193

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this