Deeq A. Posted February 10, 2019 Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa Axadda maanta ah soo rogtay, awaamiir cusub oo ku saabsan,ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, diiwaan-gelinta boqcadaha dhulka,dullaaliinta dhulka iibiya iyo nootaayooyinka lagu kala qorto tacaamulka bulshada. Xog-hayaha dowladda hoose ee caasimadda Garoowe, Maxamuud Cali Xassan (Guray) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay la burburiyay balbalooyin iyo sandaqo sharci-darro ah oo xiray waddooyinka magaalada, si loo soo celiyo bilicda iyo nadaafadda guud, waxaana uu dadkii meelaha laga dumiyay uga digay , in aysan dib ugu laaban, haddii kalena ay la kulmayaan ciqaab iyo ganaax adag. Dhinaca kale, xog-hayaha ayaa ku amray dullaaliinta dhulka iyo xarumaha nootaayooyinka, in ay iska’ diiwaan-geliyaan xafiiska dowladda hoose, si ay u helaan aqoonsiga degmada, waxaana uu digniin ku bixiyay, in aysan shaqeyn doonin cid aan ka diiwaan-geshaneyn dowladda hoose. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu si gaar ah dullaaliinta dhulka iyo wadayaasha gaadiidka cagafta, wuxuu uga digay in aysan ka hawl-geli Karin, dhulka bogcadaha ee aan sharci ka haysan degmada Garoowe, isagoo ku hanjabay ciqaab iyo ganaax la saari doono cid kasta oo amarkaasi jebisa. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Dowladda hoose oo awaamiir cusub soo rogtay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites