Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo joojiyay dhammaan curaaraha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabta hay’adahaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo hadda warbaahintu heshay balse ku taariikhaysan 2-dii bishan Febraayo 2019 ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha iyo khadmadaha la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee hawlaha u qabta dowladda iyo shirkadaha dakhliga.

Sida qoraalka ku xusan amarkaan ayaa dhaqan-gelaya ka hor intaan lagu noqon miisaaniyadda xukuumadda oo Baarlamanka cusub ka doodi doono bisha soo socota ee Maarso waase  hadii uusan imaan amar kale oo burinaya ama fasaxaya bixin-curaareed duruufa jira awgood.

DEENI.jpg?resize=572%2C740&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo joojiyay dhammaan curaaraha dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this