Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Puntland oo hadda lagu dhawaaqayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka haatan laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya goor dhow lagu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada cusub dowladda Puntland.

Warbaahinta ayaa hadda looga yeeray xarunta telefishinka dowladda ee PuntlandTV waxaana lagu wargeliyay in daqiiqado kadib lagu dhawaaqi doono xukuumadda cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ku hawllanaa wada-tashiyo kala duwan oo ku saabsan magaabista wasiiro cusub waxaana la sheegaya in uu soo dhisay xukuumad kooban.

Goor dhow kala soco Puntland Post

The post Golaha wasiirada Puntland oo hadda lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this