Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaraddeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jubba)-Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Sudaan ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UNku leeyihiin.

2019210636853789217874711shil.jpg

Gaar ahaa shilkan ayaa ka dhacay xero ku taalla Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay bur burka diyaarada.

Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA eek u sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.

Suudaanta koofureen ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Sudaan inteeda kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka labada dal ka billoowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo Malleeshiyaadka degaanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this