Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Oo lagu dilay Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa maanta xaafadda Barmuudo ee degmada Hodan ku dilay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, waxaana la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay hoygiisaoo ku yaalla xaafaddaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Hodan ee G/Banaadir.

Illaa iyo hadda laamha amnigu wax war ah kama soo saarin dilkaasi, sidoo kale majirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca degmadan, iyadoona xalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

The post Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this