Deeq A. Posted February 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa maanta xaafadda Barmuudo ee degmada Hodan ku dilay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaliyeed. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, waxaana la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay hoygiisaoo ku yaalla xaafaddaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Hodan ee G/Banaadir. Illaa iyo hadda laamha amnigu wax war ah kama soo saarin dilkaasi, sidoo kale majirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca degmadan, iyadoona xalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites