Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen shacab Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay waqooyiga deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi.

Gaariga la rasaaseeyay oo ahaa TM ayaa la sheegay in uu ka soo baxay gobolka Galgaduuud, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad deegaanka ah oo ka tirsan kooxda Macawuusley oo la sheegay in ay ka shakiyeen gaarigaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka  ayaa sheegay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen illaa 8 Qof oo la socday gaarigaasi, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Axmed Dhagey Xuurshoy oo ah horjooge ka tirsan kooxda Macawuusley ee ka dagaalama gobolka Sh/ Dhexe ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay.

Xuurshoy oo la soo xariiray Shabeelle ayaa sheegay in dadka la dhaawacay ay iyagu soo qaadeen,una soo gudbiyeen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad u abaabulan qaab Beeleed oo ku sugan agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi.

Inta badan waxaa Sh/ Dhexe ka dhaca dhibaatooyin loo geysto dadka rayidka ah, maadaama ay jiraan dhaq dhaqaaqyo iska soo hor jeeda oo ka taagan gobolkaasi.

The post Gaari ay la socdeen shacab Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this