Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo u codeeyay in si wadar ah loo Ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN) – Golaha wakiilada Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay hanaanka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa cod gacan-taag ah ku meel mariyay in golaha wasiirada si wadar ah loo ansixiyo.

Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 ka mid ah waxa ay u codeeyeen in xukuumadda si wadajir ah loo ansixiyo, halka 24 xildhibaan ay diideen, 3 kalena ka ay aamuseen.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub.

Baarlamanka Puntland ayaa horay u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid mid loo ansixiyo, si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqonaya, hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxweyne Deni oo ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusub.

The post Baarlamaanka Puntland oo u codeeyay in si wadar ah loo Ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this