Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Canshuur oo maanta lagu dilay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa Maanta ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Barmuudo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidda ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka dilka ayaa dhacay xilli uu kasoo baxay Saldhig ay Ciidanka Booliska ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo.

Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Hodan ka howlgalla.

Kooxda dilka gaysatay, ayaa la sheegay inay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna ay ku baxsadeen markii ay dileen Sarkaalkaasi.

Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this