Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Dhac Loo Geystay Iskuul Ku Yaalla Degmada Dharkeenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox hubeysan ayaa dhac u geystay mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay raggan qaateen qalab u badan Computer, sida uu Goobjoog u sheegay maamulaha iskuulka Banaadir, C/laahi Sheekh C/raxmaan.

Ragga wax dhacay ayuu sheegay iney ahaayeen Shan, islamarkaana ay xalay soo galeen gudaha iskuulka ay xir xireen waardiyahii, iyaga oo ku hubeysnaa Labo qori iyo Bistoolad, sidaasina ay agabka ku qaateen

Waxa uu sheegay in Computer-ada la qaatay ay ku jiraan xogtii ardayda wax ka badan 10 sano.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-MAAMULE-ABDULLAHI-SHEKH-ABDIRAHMAN-MOHAMED.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this