Deeq A. Posted February 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay xero barakac oo ku taalla waaxda 1-aad degmada Kaxda ee G/ Banaadir. Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo oo cooshado ka sameysay oo ku yaalla Kaamkaasi. Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay. Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Dab-Hada.mp3 The post Dab xoogan Oo ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites