Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo lacago siinaya dalal ay ku jirto Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub Neven Memica ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku saxiixay barnaamijyo horumarineed oo uu ururku ku taageerayo dalal dhaca qaaradda Africa.

Mr Neven Memica ayaa ballan qaaday in lacag dhan 225 Milyan oo Euro uu Midowga Yurub ugu deeqi doono dalal ay ku jirtoSoomaaliya,si loo hormariyo xasiloonida,shaqo abuurka iyo nabadeynta dalalka Geeska Africa.

Sidoo kale Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay muhiim tahay kordhinta taageerada dalalkan ay ku jirto Soomaaliya,isla markaana ay lacago badan ku bixi doonaan ammaanka biyaha Soomaaliya.

Mas’uulkan ka tirsan Midowga Yurub ayaa barnaamijyada horumarineed ku saxiixay M/ Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya,halkaasi oo uu kula kulmay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed iyo guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed oo uu kala hadlay sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Midowga Yurub iyo Midowga Africa.

Si kastaba ha’ahaatee Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka,dhaqaalaha, siyaasada iyo wax ka qabashada arimaha bani’aadanimada.

The post Midowga Yurub Oo lacago siinaya dalal ay ku jirto Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this