Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay shan arrin oo caqabad ku ah dowladnimada Soomaaliya+Cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shaaciyay Shan arrin oo uu sheegay inay caqabad ku noqoto dowlad kasta oo loosoo dhiso dalka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka.

Madaxweynaha dalka wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanan inta badan loo sheegin waxyaabaha dalkooda u diidaya dowladnimada waarta, waxaana uu sheegay in dhibaatada kaga timaada caalamka ay tahay waxyaabaha ugu horeeya ee dalka ka dagi la’yahay.

Arrinta ugu horeysa wuxuu ku sheegay inay tahay Kheyraadka tirada badan ee ku jira dalka Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed oo heysta hal dhaqan, Diin iyo Af oo wadamo badan oo caalamka ah ay u arkeen in haddii dowladnimo wanaagsan ay helaan Soomaalida ay caqabad ku noqon karan dalalkooda.

Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa Xanaaqsan ay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in danta Guud ay ka hormariyaan dantooda gaarka ah.

Warbaahinta ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay kuwa ay ka dagi la’yahay dalka, gaar ahaan kuwa ka hadla arrimaha Soomaaliya ee dibadda ku yaala oo uu sheegay inay kaliya diiradda saaraan dhibaatada dalka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dowladnimada Soomaaliya.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Dowlad-Walba-Oo-Soomaaliyeed-Maxeey-Uhana-Qaadi-Weysay-Madaxweyne-Farmaajo-Ay.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this