Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo sabab cajiib ah u sameysay gaadiidka Al Shabaab ay ku gubeen Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u sameeyay gubitaanka AL Shabaab ay gubaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ujeedada Al Shabaab ay u gubayaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho ay tahay inay ka horjeedaan jarista dhirta.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in sababta Al Shabaab u gubayaan dhuxusha iyo gaadiidka wada ay tahay inay doonayaan in dhirta ay kaga gambadaan duqeymaha diyaaradaha Drone-ka ka geystaan Shabeelaha Hose sida uu hadalka u dhigay.

C/fataax Xaaji, ayaa sheegay in shalay gelinkii hore ku dhawaad 11 gaari oo dhuxul wada ay kasoo gudbiyeen deegaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye, balse markii ay kusoo dhawaayeen Muqdisho ay Al Shabaab wadada u galeen islamarkaana ay gubeen.

Guddoomiyaha kama uusan fakarin in jarista Dhuxusha ay qeyb ka tahay nabaad guurka deegaanka, balse wuxuu ka eegay oo kaliya in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan haddii aan la jarin.

Todobaad ka hor AL-shabaab ayaa degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye ku gubtay 7 Gaari oo dhuxul u waday Muqdisho,waxaana shalay ku xigtay labo kale oo iyana ay ku gubtay duleedka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this