Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: C/qani Saciid Carab oo dhaqaalo badan dul dhigay Muqdisho Astaan & Rajo Cable (Sabab)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya uu lacago dul dhigay dhamaan Cable-da (Keeybalada) tabiya ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xarumaha looga bartay tabinta ciyaaraha dalka ayaa sheegay in xiriirka uu kusoo rogay amar ah inay bixiyaan lacag gaareysa 30,000 (Soddon kun) oo doolar haddii ay doonayaan inay tabiyaan ciyaarta dhexmari doonta xulalka Eritrea iyo Soomaaliya.

Xarumaha Muqdisho Cable, Astaan Sports iyo Rajo Cable oo ahaa kuwo si toos ah u tabiya ciyaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in amarkaasi lagu soo rogay xarumahooda, waxaana dhankooda ay sheegeen inaysan lacagtaasi bixin karin.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xarumahan horey loogu soo rogay inay bixiyaan sanadkii 20,000 (Labaatan kun) oo doolar si ay u tabiyaan ciyaaraha horyaalka Soomaaliya balse wey iska diideen.

Taasi waxay qasabtay in xarumaha qaar ay joojiyaan baahinta tooska ah ee ciyaaraha gudaha Soomaaliya, sida xogta aan ku heleyno, waxaana laga baqayaa inay sidoo kale ay joojiyaan ciyaaraha kale ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Waa run lacagtaasi waa nalagu amray inaan bixino, mana ahan wax suura gal ah amarkaasina xafiiska xiriirka kubbadda Cagta ayuu naga soo gaaray, ciyaarta Eritrea iyo Somalia inaan tabino darteed ayaana sidaa nalugu amray”sidaasi waxaa Caasimadda u sheegay mid kamid ah masuuliyiinta Xarumaha amarkaasi lagu soo rogay.

Xiriirka kubadda Cagta oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this