Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay qaabka loo ansixin doono golaha wasiirada cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay qabka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulan ka dhacay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada waxay ku ansixiyeen in si wadajir ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Deni soo magacaabayo.

Arintaasi ayaa meesha ka saareyso warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in hal hal loo ansixin doono golaha wasiirada, waxaana sidaasi horey u sheegay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada ku sugnaa xarunta baarlamaanka ayaa 26 kamid ah waxay ogolaadeen in si guud loo ansixiyo xubnaha golaha wasiirada ee maamulka Puntland halka 24 Xildhibaan waxay u ansixiyeen in mid mid loo ansixiyo Wasiirada.

3 Xildhibaana waa ka aamustay, waxaana sidaasi guddoonka baarlamaanka Puntland uu ku shaaciyay in si Wadajir ah loo meel marin doono golaha wasiirada maamulka Puntand.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this