Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maandeeq is Around

Recommended Posts

FAADUMO C/LAAHI MAANDEEQ OO LAGU SOO DHOWEEYAY HARGEYSA

 

 

Hargeysa (HWN):- Fanaanada weyn ee Faadumo Cabdilaahi Kaahin [Maandeeq], ee ka caanka ah dhulka Soomaalidu degto ayaa saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Egal International ee Magaalada, iyada oo ka soo kicintintay Cariga Ingiriiska oo ay degen tahay, isla markaana ay socdaalkeedan ku soo martay Dalka Jabuuti.

 

Fanaanadan waxa ku soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa Wasiirada caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Cabdi-Haybe Maxamed, Wasiirka Qoyska Faadumo Suudi Xasan, Wasiir Kuxigeenka Maaliyada Cabdinuur , Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale,Fanaaniin aad u tira badan, boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimada iyo marti sharaf kale.

 

"Waxaan ilaahay inooga baryayaa inuu cadowga inaga dul qaado dalkeenii ayaa la qarxiyay ee waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inaynu isku duubnaano." Ayey tidhi Faadumo Cabdilaahi Kaahin.

 

Fanaanta, waxay sheegtay inay tahay fanaanad qaran oo saddexda xisbi siyaasadeed KULMIYE, UDUB iyo UCID ee Somaliland u siman yihiin, waxaanay aad ugu mahad naqday dadweynihii iyo madaxdii dhaweeyay.

 

"Aniga dareenka maanta igu jiraa waa dalkaygii oo cadow qarxiyay, Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisu siday ii soo dhaweeyeen iyo xisbul xaakimka UDUB waan uga mahad naqayaa, waxaanan is ogaaday inaan maanta ahay dawlad. madaxda dambena ilaahay sidan oo kale ha inooga dhigo."ayay tidhi Faanaanadu.

 

Faadumo Cabdilaahi Kaahin Maandeeq waxay shaacaka qaaay inay ka guud ahaaanba ka fadhiisatay Fankii ay mudada badnayd ku jirtay, waxaanay tidhi "Hooyo 7 sanadood masrax ismaan taagin, waxaan sitaa kitaabo quraan ah waxaan ku xisaabtamayaa weynaantayda, haddii aanan dhalinyaradii fankii uga bixin dhagax bay igu dilayaan, fanaaniintii iga yar yaraa Khadra Daahir Cige, masaajidka kama baxdo, Faadumo Haldhaa Masaajidka kama baxo oo weliba way xijaaban tahay iyadu oo ay na dheer tahay, Samriye iyo Hibo Maxamed-na masaajidka kama baxaan, markaa haddii aanaan masaajidka gelin waa mushkilad."

 

"Fanku wuu na niyad jabiyay askariga maanta labada alif leh ayaa todobaadyo dhan taariikhdiisa la wadaa, annaga odayaashii fanku meeye Timo Cadde mee? Cali Xuseen Mee? Guroon Jire Mee Cabdi Iidaan Mee?, Guduudo Carwo Curyaamad weeyaan oo sariir ayaa 11 sanadood kaadida lagaga qaadaa Hargeysa cidi ma oga, markaa maxaan fanka ku sii joogaa, ilaa 1960-kii ayaan taagnaa fanka oo ku jiray"Ayay intaas ku dartay Marwo Maandeeq.

 

Fanaanada oo la weydiiyay siday u aragto in qaar ka mid ah Heesaheedii ay fanaaniin yar yari dib u qaadaan waxaanay tidhi "Waanu u fasaxnay oo waxaanu nidhi waxay ka helayaan ha ka helaan ha ku qaataan."

 

Fanaanadaasi oo ka soo kicitintay dalka Ingiriiska waxay ammaan u soo jeedisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay tilmaantay inay aad u jecel yihiin shacbiga Somaliland oo uu taageero weyn u fidiyay markii Somaliland la qarxiyay.

 

Xog-hayaha guud ee Xisbiga UDUB, Md. Maxamed Ismaaciil Bulaale, ayaa sheegay inuu soo halkan ku soo dhaweynayo Fanaanada Caanka ah, waxaanu yidhi "Waxaanu soo dhaweynaynaa oo aanu halkan u nimid oo sharafta ay leedahay iyo qiimaheeda halkan madaarka ugu soo baxay Faadumo Cabdilaahi Kaahin [Maandeeq] oo ah boqoradii Codka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanan kugu soo dhawaynaynaa dalkaagii aad halganka dheer u soo martay iyo dadkaagii aad tacabka lama ilaawaanka ah ku lahayd, ayaa ku soo dhawaynaya."

 

"Dadkan ku soo dhawaynayaa oo kuu soo baxay xisbigaagii UDUB, ee aad socdaalka kaga maqnayd"ayey tidhi Faadumo Cabdilaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this