Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Xayiraad Ku Soo Rogtey Wargeyska FOORE Ee Ka Soo Baxa Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex oo muddooyinkii ugu dambeysay gacanta ku haysay dacwado lagu soo oogay Wargeys-ka madaxa-bannaan Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka go’aan ka soo saartey dacwadaasi .

Muuse-Bihi.png

Maxkamadda ayaa saaka amartey in Wargeys-ka Foore ay xayirtey muddo hal sanno ah isla markaana ay ku ganaaxdey saddex Milyan oo ganaax lacageed ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xidhay tifatirihii wargeyska Foore Maxamed Ilkacase illaa iyo inta la soo shubaayo lacagta ganaaxa ah ee Saddex Milyan ah.

Mas’uulyiinta Wargeyska Foore ayaa la sheegay in aaney ku qancin xukunkaasi, sidoo kale ururka SOLJA ayaan isla illaa hadda aan ka hadlin go’aanka maxkamadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this