Deeq A. Posted February 10, 2019 Addis Ababa (SMN) -Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-Gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qaruumaha Ka dhaxeysa ayaa sidoo kale isku soo hadal qaadey Eryidii Wakiilkii qramada Midoobay Nicoles Heysom iyo sidii dhaqso loogu soo magacabi lahaa wakiilka abadali Doona. Antonio Guiteres Xoghayaha Guud ee QM ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ka Balan qaadey in ay qaramada Midoobay sii xoojin doonto wadashaqaynta Soomaaliya ilaa laga Xaqiijinayo yoolka ay Soomaaliya leedahay. Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay kulan la qaatay qaarkamid ah Hogaamiyaasha dalalka africa oo uu maanta magalada adis ababa uga furmidoono shir madaxeedkii 32aad ee Hogaamiyasha Africa. Shirkaasi ayaa diirada lagu saari doonaa Qaxootiga Africa ah iyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayen dalalka ay ku nool yihiin. Sidoo kale shirka hoggaamiyeyaasha Africa waxaa looga hadli doonaa sidii loo joojin lahaa isticmaalka bacaha oo faro ba’an ku haya dalalka qaaradda, inkastoo ay shacabka ku nool dalalka bacaha laga isticmaalo ku andacoonayaan madaxdu in ay keenaan bacaha wixii lagu bedali lahaa inta aan la joojin ka hor. Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Shir madaxeedka qaaradda Africa ee magaalada Addis Ababa waxaa ayna khudbadiisa ku saabsan tahay arrimaha qaxootiga Africa, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo sidii loogu qaabayn lahaa nolol wanaagsan. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay xoghayaha QM appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites