Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay dil iyo dhaawac ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka ayaa loo geystay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed Baalle, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka magaaladaasi.

Sidoo kale raggani hubeysnaa ayaa dhaawacay wiil uu dhalay nabadoonkaasi, iyagoona si aayar ah goobta uga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka socdeen gudaha magaaladaasi.

The post Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this