Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax iyo dil ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay dil iyo qarax.

Qarax ayaa ka dhacay degmada Xamar jajab ee Muqdisho waxaana uu ahaa nooca loo yaqaano dhajiska waxaana gaarigooda loogu xiray dad saarnaa gaari nooca raaxada ah.

Hal qof ayaa ku geeriyooday halka ruux kalena uu ku dhaawacmay qaraxaasi.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo meydka iyo dhaawacay ka qaaday.

Dhinaca kale isla xalay ayaa koox bastoolado ku hubeeysan  degmada Hodan ee Muqdisho waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidamada dowlada.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Xaawo Taako degmada Hodan ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Qarax iyo dil ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this