Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

‪Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.

Dhowaan Soomaaliya ayaa ceeyrisay wakiilkii qaramada midoobay ee Soomaaliya Nichlos Haysom.

Puntland Post 

The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this