Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergeyga Turkeyu qaabilsan wada-hadalka Somaliland iyo DF oo ballan-qaad ka helay xisbiyada S/LAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Danjire Dr. Olgan Beker oo ah uqaabilsanaha dowladda Turkey ee wadahadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda maamulka Somaliland.

Olgen Beker, ayaa tagay magaalada Hargeysa maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay inuu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamulka Somaliland, isaga oo kala hadlay wadahadalada dowladda iyo Somaliland.

Uqaabilsanaha Turkey ee dhanka wadahadalada ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada kala duwan ee Somaliland, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay kala shaqeyn doonaan howlaha horyaala.

Xirsi Cali Xaaji oo kamid ah madaxda sar sare ee xisbiga Wadani ayaa soo dhaweeyay kulamada ka dhacay magaalada Hargeysa tan iyo Khamiistii, waxaana uu sheegay inay xisbi ahaan aad ula shaqeyn doonaan Olgen Beker.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadallada ay horseedi karaan in Soomaaliland ay hesho madax-banaani,sidoo kalena dunida inteeda kale ay wax la qeybsato.

Ergayga  Dowladda Turkiga u soo Magacaawday  Soomaaliya iyo Soomaaliland Danjire Dr. Olgan Beker oo mar soo noday Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee soo socota in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this