Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muuse Biixi oo wada-hadal uu la galo DF ku xiray deeqaha Turkiga iyo shuruud kale oo adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalladii maamulka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika.

Muuse Biixi ayaa u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale wada-hadallada ku xiray deeqaha Turkiga oo dhex-dhexaad noqda.

Waxa uu sheegay in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.

51538323_2025437050903471_79334803186217 51840648_2025437227570120_83510018204070 51769791_2025437177570125_76434003835234 51791294_2025437024236807_16833689623031 51823941_2025437237570119_65593545292534 51739665_2025437404236769_82103593839729 51838816_2025437347570108_98887796463029

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this