Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha guud ee QM oo la kulmay Farmaajo: Laba sano kadib sidee ayuu u arkaa shaqada DF?

Recommended Posts

Deeq A.   

Adds Ababa (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee QM, António Guterres ayaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halkaasi oo ay uga wada-qeyb galayaan kulan madaxeedka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa yimid maalin un kadib sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, 8-dii Febraayo 2017.

António Guterres ayaa booriyey isbeddelada wanaagsan oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, oo hadda laba jirsatay.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya ay fuliso tubteeda siyaasadda loo dhan yahay, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, soo kabashada iyo horumarinta bulshada.

Dhammaan arrimahaas ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga qeyb-galiyo oo lagala shaqeeyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

António Guterres ayaa sidoo kale Farmaajo u sheegay inay muhiim tahay in lasii wado wada-shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Amisom.

Xoghayaha guud ayaa dhinaca kale uga mahad-celiyey dowladda Soomaaliya joogyenta amniga iyo badbaadada shaqaalaha QM ee Soomaaliya ka taageeraya inay horumar ka gaarto arrimaha nabadda iyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this