Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyeysan Dowladda Soomaaliya Maamulin agagaarka degmada Afgooye (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markii seddexaad xaalad kicin karta Shacabka Shabeelaha Hoose ka sameeyay agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gelinkii dambe ee Shalay xubno la sheegay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin ayaa gaadiid kale ku gubay agagaarka deegaanka Lafoole oo ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxaa ka horeysay maalin un ka hormarkii Al Shabaab ay Deegaanka DOONKA ee duleedka degmada Afgooye ay ku gubeen gaadiid kale oo ay leeyihiin dad Shacab ah.

Dhamaan gaadiidka ay Al Shabaab ku gubeen agagaarka degmada Afgooye ayaa waday Dhuxul, waxaana ay marayaan ku dhawaad 15 gaari oo dadkii waday lagu amray inay ka degtaan kadibna hortooda lagu gubay gaadiidka iyo dhuxushii ay Wadeen.

Sawiradda gaadiidkii Shalay gelinkii dambe ay gubeen Al Shabaab ayaa muujinaya dab xoogan oo gaadiidka qabsaday, kadib markii sida darawalada ay sheegeen lagu wareejiyay Shidaal, kadibna dab la qabadsiiyay.

Arinta gubidda gaadiidka ee Al Shabaab ay ka sameynayaan meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ayaa muujineysa inay Al Shabaab awood u leeyihiin inay wadadaasi ka fulin karaan ujeedadooda, waxaana ka dhashay Su’aalo badan oo ay ugu horeyso in dowladda Soomaaliya aysan maamulin deegaanka iyo inkale.

Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa maxaa keenay in Al Shabaab ay maalin iyo habeen ay gaadiidkaasi ku gubaan meel u muuqata degmada Afgooye oo ciidamada dowladda aysan ka fogeyn halka falku ka dhacayo, waxaana dhamaan gaadiidka la gubay ay kusoo wajahnaayeen Muqdisho.

Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay xaalka ka warhayaan oo kaliya , balse ma muuqato talaabo kale oo la qaaday si loo badbaadiyo gaadiidka dadweynaha ee la gubayo.

Al Shabaab ayaa horey deegaanadooda kaga mamnuucay in la jaro dhirta, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay xaalufinta dhirta.

B.jpg C.jpg Capture-1-724x430.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this