Deeq A. Posted February 9, 2019 Meel loo hiiliyo waxa ugu abaal daran Burco. Hore ayaan Anigu ugu khasaaray marar aan qalin iyo af ugu sameeyey hiil. Xalay ayaa ugu dambaysay oo markii Xog. Khadar iftiimiyey dhaqaalle-ahaan heerka togdheer ay ka hadhay goboladda galbeedka, wax afka iskaga duubay Xil. Obama! Obama waxa uu lasoo booday. ‘Laamiga Ceeri iyo isku xidha Togdheer’ oo uu ku sheegay in uu yahay mashruucii ugu balaadhnaa ee abid laga hirgaliyo JSL. Burco waa magaalo hagaastay! 1990kii waxa lagu murmi jiray, Burco waa magaalada sadexaad ee Soomaaliya, maanta Burco kuma jirto 6da magaalo ee ugu dadka badan Ex-Somalia. Waxa ayna 18kii magaallo caasimadeed ee Soomaalia, dhaqaalle ahaan ka galaysaa kaalinta 17aad ama 18aad! Maxaa sababay burburka Burco. Burco waxa ay gashay gafkii ugu waynaa 1991kii markii si bilaa shuruud ah, Hargaysa ay la qaadatay in ay wada dhistaan dawlad la yidhaa Somaliland. 1991kii baloodhka ku yaala Laba-qaw – Burco, waxa uu ka qaalisanaa degmadda koodbuur oo la isku daray, maanta dhulka uu ku yaalo dugsiga Sh. Bashiir – Hargaysa, ayaa ka qiimo badan Burco oo la isku wada daray badhkeed. Heshiiskii Burco waxa uu ahaa heshiis indho la’aan ah oo ay ka faa’idaystay xaafaddo ka middi Hargaysi. Hargaysa ayaa 30kii sanno ee midawga iyadu lumisay qiimihii caasimadnimo, Hargaysa waxa ay Ingiriiska ka heli jirtay dhacdhac dhaqaalle iyo shaqa-abuur maamul oo wakhtigii maxmiyadda ay Hargaysi door libaax ka heli jirtay. Waana sababta ugu wayn ee ay Herer u diiday midnimadii Soomaalia. Xaafado ka mida Hargaysa waxa ay Siyaad Barre ulla dagalameen in ay soo ceshadaan caasimadnimada. Macaashkii midhaahaana, waa kuwaa guranaya 27kii sano ee ay jirtay Somaliland. Burco nasiib-daro ma ay fahansanayn danaha dhaqaalle ee dhex maray Hargaysa iyo Xamar. Waxa ayna khaladkii Hargaysi samaysay 1960kii mid ka xun Burco samaysay 1991kii markii ay si bilaa shuruud ah ugu biireen Hargaysa. Aqoonyahanka iyo dhaliinyaradda Hargaysa qaar ka midmi, waa kuwo u tobobaran sidii ay goboladda kale u khiyaamayn lahayeen. Afcaashooda haddii aad u fiirsatana waxa aaad is odhanaysaa ma guryahooda ayaa lagu soo siiyey tobobar ku saabsan wax is-daba-marinta. Gabood-falka ugu culus ee Togdheer loo gaystay ayaa dhacay 1998. Sanadkaa waxa albaabadda loo xidhay suuqii ugu waynaa ee ka furnaa togdheer – Yiroowe. Yiroowe waxa uu ahaa xuddun kulmisa Soomaalida Ethiopia, kuwa konfurta iyo Somaliland. Dad badan oo dhashay wixii ka dambeyey Yiroowe iyo kuwo wakhtigaaba noolaa, waxa aysan wali fahansanayn halka uu ka ciiray dhaqaalihii Togdheer. Si aad u fahantid khasaara gaadhay Togdheer aan kula wadaago wixii aan kusoo arkay Banka Giryaad: Banka Giriyaad waa lama-dagaan u eeke dhaca waqooyiga Awdal, waxa aad galaysaa Giriyaad marka aad kasoo baxdid Jabouti. Habeen anaka oo safar ah, ayaa uu gaadhi nagaga jabay Giriyaad badhtankiisa. Gaadhiga waxa waday darawal u dhashay Balli-Gubadle. Xoogaa meeshii markii aanu joognay, ayaa waxa nagu soo jabay baabuur sida daadka u soconaya oo kasoo shiraaqday Jabouti. Babuurtaasi waxa ay wadeen xamuuul xad dhaaf ah oo kasoo dagay dekeda Jabouti. Waxa ay ku socdeen Wajaalle. Darawalkii ayaan waydiiyey “waar niyow sababta wajaale u noqotay sayladda, waxa weeye jabouti baa ay wax uga soo dagaan?” waxa aan u raaciyey “Togdheer hadaanu nahay, waxa aannaan haysan Jabouti oo kale” Darawalkii oo ahaa khabiir in badan u kala gooshay dhulka Soomaalida, waxa uu igu yidhi “waad lahaan jirteen jabouti oo kale lakiin, watii laydinka xidhay” waxa aan ku idhi oo halkee ayaa ay ahayd jabouti-dayadu? “Bossasso”. 2014kii ayaa ay ahayd wakhtigaasi waana markii aan hellay jawaabta su’aashii maskaxdayda ka guuxaysay 16ka sano. Maxaa sababay hoos-u-dhaca dhaqaalle ee Togdheer? Hargaysa waxa ay galisay Burco godoomin la mida ta lagu hayo marinka QAZA. Burco iyo Qaza waxa marar badan xoriyad badan Qaza. Ina Cigaal ayuu ahaa madaxwaynihii mamnuucay in Bossaaso wax lagala soo dago! Bebera wuu ogaa in aysan ku filnayn Somaliland sababtoo ah, waxa xadidnaa wiishashka marakiibta ka roga rarka ee yaalay Berbera, taa bedelkeeda Hargaysa waxa ay doorbideen Jabouti in ay noqoto dakadda labaad ee Somaliland. Markii la mamnuucay addeegii ka imman jiray Bossasso, waxa istaagay safaradii ka iman jiray koofurta ee ku xidhnaa Togdheer iyo kuwii ka iman jiray Ethiopia. Sanadahaa uu bilaabmay hoos u dhaca dhaqaalle ee Togdheer, waxa kawsaday tahriibtii ugu badnayd ee abid Soomaali ku dhacda. 2002 illaa iyo yamana haddaa shacabka ka qaxay Togdheer tiro laguma sheegi karo. Waxana hubaal ah dadka Burco uu dhashay ee ku dhintay Badda Libiya iyo Saxaruhu in ay ka badan yihiin dadkii uu Siyaad Barre ka laayey Burco. Burco waa ninkeed cuna, ninka u sheega danteeda, iyaga ayaa markaba xabadda ku dhufanaya! Waxa se xaqiiq ah, Burco in ay gaf wayn samaysay markii ay Hargaysa isu dhiibtay bilaa shuruud. Dadka qaar ayaa ku doodda Burco iyo Hargaysa waa walaalo, haba ahaadaana quraanka waxa aynu ku haynaa qisooyin macangag-nimo xambaarsan oo ka dhaca dadka walalaha ah dhexdooda sida: Yusuf dhibkii uu kala kulmay walaalaldii iyo dhacdadii Qabiil iyo Habiiil. 1960kii Markii lagu biirayey Konfurta Soomaaliya, waxa jiray siyaasi u dhashay Burco oo ku dooday “Intii inanta togdheer ay Hargaysa marti ku noqon lahayd, inanta waqooyi marti haku noqoto Xamar”. Aragtidaas waa mid xaqiiqadeedii muuqato maanta sababta oo ah, qaybo ka tirsan Hargaysi ma ogolo dadka kale in ay madaxa la kacaan. Burco waa kaamka ugu wayn ee maanta ay ku xaraysan yihiin dad bilaa camal ah, gabi ahaanna dadka magaaladda ku nool waxa laga masruufaa qurbaha. Wax kale iibsiga Burco bishii oo dhan marka la isku daro waa uu ka yaryahay wax kale iibsiga ka dhaca Hotel Gulleed illaa Mansoor maalintii! Sidaa si la mida Magaladda Ceeri ayaa lagu qiyasaa maalintii gabigeedaba wax ka yar $10K oo wax kale iibsi ah, in ay ka dhacaan. Waa maalintii lacagta soo gasha Hotel Ambassador. 424 oo ahaa furaha raqamka ay wadan jireen shaqaalihii dawladii Siilaayo ayaa ahaa raqamyadda ugu badan ee wax lagaga iibsado Hargaysa, taasina waxa ay ku tusaysaa dawladdu in ay tahay shaqo bixiyaha ugu wayn ee ka jira JSL sidaa oo ay tahay shaqaalaha dawladda ee saddexda gobol ee barriga waxa ka badan xaafad ka tirsan degmadda 26ka June. Qaadka Burco lagu cuno waxa lagu cashuuraa Kala-baydh waana mamnuuc qaadkaasi in uu kasoo boodo Balli-Dhiig ama Balli-Gubadle. Saylac waa kastamka 3aad ee waddanka. 0.8% in ay Togdheer ku yeelato wax-soo-saarka waddanka waxa ay ku tusaysaa sida handaraabka loogu xidhay Barriga Somaliland. Waxa aynu sugnaaba waa 100 kun oo qof oo ka bara baxa Togdheer. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites