Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay casho sharaf uu sameeyay Abiy axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee berri ka furmaya Addis Ababa.

Madaxd ayaa si hordhac ah isugu wareeystay ka hor shirka madaxda Afrika.

Waxaa xusid mudan in kulankaasi ay isku arkeen madaxweynayaaaha Somaliya iyo Jabuuti.

Farmaajo iyo Gelle ayaa ka dhaxeeysay xurguf ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea uu ka carooday madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Galle.

Bari ayaa magaalada Adis ababa ee caasimada wadanka Itoobiya waxaa ka furmaya shirka madaxda wadamada Afrika.

FB_IMG_1549747999071.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1549748001555.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1549748006381.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1549748010026.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1549748015640.jpg?resize=720%2C48

Xasan Maxamed samatar Cowke

Puntland Post 

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay casho sharaf uu sameeyay Abiy axmed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this