Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay duqayn uu ka fuliyay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyay in duqayn cusub ay xalay ka fuliyeen tuulada Kaban ee gobolka Jubada Hoose, koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aysan ku xusin war-saxafadeedkooda khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi ay fuliyeen.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidamada maamulka Jubaland oo ka hadlay duqayntaasi ayaa daboolka ka qaaday in lagu dilay 25 kamid ah Al-Shabaab, islamarkaana ay kusoo furteen Saanad ciidan iyo agab kale.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqayntaan oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa sanadkaan 2019-ka kordhiyay howlgalada ay ka fuliyan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada goobaha ay ku tuhmayaan Al-Shabaab.

The post Mareykanka oo ka hadlay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this