Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo soo badhigay muuqaallada dilal ay ka geysteen Muqdisho iyo qaraxyo (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalada dilal qorsheysan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo geystay saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda.

Muuqaalka oo soconaya muddo 11 daqiiqo ah ayaa waxaa ku jira qaraxyo qorsheysan oo Al Shabaab ay sheegeen inay ka geysteen gobolada kala duwan ee dalka iyo gobolka NFD ama waqooyi bari Kenya.

Ruuxa ugu horeeya ee kasoo muuqanaya muuqaalka ayay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cabdi Cilmi oo kamid ahaa waaxda dambi baarista ee CID sida ay Al Shabaab sheegeen.

Ruuxa labaad ayaa lagu sheegay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay ex Control Afgooye, waxaana ku xigay Cali Maxamed Cabdi oo la sheegay inuu ahaa xildhibaan hore iyo Daahir Iidow oo ka tirsanaa dowladda Hoose ee Muqdisho.

Muuqaalka waxaa kamuuqday qaraxyo meel fog laga duubay oo Al Shabaab ay ka dambeeyay, waxaana lala eeganayay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

1.jpg 2.png 3-1.jpg 4.jpg 5.jpg 7.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this